Wasiirka Warfaafinta oo ka Warbixiyay Horumarrada ay Soomaaliya gaartay

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia, Mustaf Sheekh Cali Duhulow oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay howlaha u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya iyo wax-qabadkeeda todobaadkii hore. Isagoo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin weerarkii iyo qaraxii lagu qaaday dhismaha baarlamaanka, arrimaha beeraha, sharciga isgaarsiinta, xaquuqda aadanaha, magacaabistii guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka iyo horumarka barnaamijka xasilinta dalka.
Wasiirka Warfaafinta oo ka Warbixiyay Horumarrada ay Soomaaliya gaartay
Dhuxuloow oo ugu horreyn ka hadlay weerarkii baarlamaanka ay 24-kii May ku qaadday Al-shabaab ayaa yiri: “ciidamada geesiyaasha oo kaashanaya AMISOM ayaa ka hor-tagay kooxihii argagaxisada oo badbaadiyay xildhibaanada Qaranka. Waxaan madaxda Qaranka kala hadlay sida loogu baaan yahay in dowladdu ay u abaal-mariso ciidankii sida geesinimada leh u dagaalamay, gaar ahaan kabtan Daahir Gurxan oo ay tahay inaan xasuusanno geesinimadiisa iyo sidii uu naftiisa ugu huray dalkiisa. Baaritaan dhab ah baa la wadaa oo dhawaan loosoo bandhigi doono shacabka warbixintiisa oo dhameystiran. Hase ahaatee waxaan ugu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga oo ay wixii macluumaad ah oo ay hayaan u soo gudbiyaan guddiga baaritaanka wada, si aan u oggaano xaqiiqada dhabta ah ee dhacdadii 24-kii May.” Wasiirka oo ka hadlayay horumarka dhank beeraha ayaa yiri: “Wasiirka beeraha ayaa booqanayay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hoose si uu u qiimeeyo xaaladda beeraleyda Soomaaliyeed, isla markaana gaarsiiyay kaalmo la xiriirta dhanka agabyada ay u baahan yihiin sidii ay beerahooda u horumarin lahaayeen. Ujeeddada dowladda ayaa ah in kheyraadka dalka la horumariyo si loo kobcinyo dhaqaalaha dalka, isla markaasna u abuuraysa shaqo dhallinyarada. Soomaaliya waa dal qani ah oo leh kheyraad fara badan sida beeraha, xoolaha nool, kalluun iyo kheyraad kale oo u baahan inaan dhulka kasoo saarano. Mudnaanteenna waa in shacabka la taageero si ay u soo saartaan kheyraadka dalka.” Sidoo kale, isagoo ka hadlaya horumarka xasilinta dalka ayaa yiri: “Iyadoo laga duulayo qorshaha xasilinta dalka ayaa dhawaan la gaarsiiyay gar-gaar goobaha laga xorreeyay Al-shabaab sida Bule Burde iyo goobo kale. Waxaana rabnaa in shacabka ay arkaan faa’iidada nabadda, waana sii wadaynaa gar-gaarka iyo inaan dhisno hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo heer degmo.” Mar uu ka hadlay horumarka laga sameeyey sharciga Isgaarsiinta dalka ayuu yiri: “Golaha wasiirada ayaa ansaxiyay sharicga isgaarsiinta dalka oo dhawaan baarlamaanku ka doodi doono si ay u ansixiyaan. Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiita ayaa muddo toddobaad waday la tashiyo ay la sameynayeen qaar ka mid ah ganacsatada iyo dhammaan qaybaha bulshada. Ujeeddooyinka wada-tashiyadan ayaa ah in shacabka laga qayb-galiyo go’aan gaarista arrimaha dalka. Sharcigan Isgaarsiinta ayaa caawin doono shacabka iyo shirkadaha isgaarsiinta oo shacabku ay heli doonaan adeeg isgaarsiin oo tayo leh aadna u jaban.” Wasiirka oo ka hadlayey horumarka Xaquuqul Insaanka ayaa yiri “Wasaarada Haweeka & Xaquuqul Insaanka ayaa waday la tashiyo iyo shirar looga hadlayey sidii loo horumarin lahaa Xaquuqual Insaanka oo dumarka loo awood-siin lahaa. Wada tashiyadan iyo shirarkan ayaa diirada lagu saarayey tacadiyada loo geysto dumarka. Waxaan uga mahadcelineynaa Dalka UK doorkooda hoggaamineed ee arrinkan, waxaana kala shaqeyn doonaa UK sidii loo diyaarin lahaa qorshe howleed la xiriira horumarinta Xaquuqul Insaanka, gaar ahaan tacadiyada dumarka loo geysto. Somalia waxey ka qeyb gali doontaa Shirka ka dhacaya London 10ka Juun oo looga hadlayao xaalada dumarka Soomaaliyeed iyo horumarka ay Dowladdu ka sameyneyso dhowrista Xaquuqda Dumarka. Waddamo fara badan ayaa shirkan ka soo qeybgalaya oo kor u dhaafaya 80 dal oo Somalia kaalin muhiim ah laga siin doono shirkan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in la joojiyo dhamaan xadgudubyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed.” “Hay’adda masiibooyinka Qaranka iyo UNICEF ayaa ka digey inay cuduro halis ah ka dilaaci karaan qaybo ka mid ah dalka, gaarkaan xerooyinka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah oo carruurta ay helis ugu jiraan cudurro halis ah haddii aan si deg-deg ah looga hor-tagin oo nadaafada iyo musqulaha aan la hagaajinin. Sidoo kale xerooyinkaas waxay si deg-deg ah ugu baahan yihiin baco ay roobabka ka galaan. Dowladad ayaa la shaqeynaysa hay’adaha maxaliga iyo kuwa caalamka ah sidii xal waara loogu heli lahaa cudurradan halista ah. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo qurbo-joogta inay si deg-deg ah u soo gaaraan dadkaas dhibaatada ba’ani hayso,” ayuu mar kale yiri wasiirka oo ka hadlayay cudurro laga digay inay ka dilaaci karaan dalka, haddii aan wax laga qaban nadaafadda. Ugu dambeyn, Dhuxuloow oo ka hadlayay guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka ayaa yiri: “Golaha wasiirrada ayaa ansixiyay guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka. Guddigan ayaa ka kooban shan xubnood oo sumcad weyn ku leh bulshada dhexdeeda, isla markaana ka kala yimid gobollada dalka. Kuwasoo kala ah: Caasha Geelle Diiriye, Prof. Cumar Xasan Mahad-Allah, Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun), Maxamed Cabdalla Saalax iyo Xasan Xuseen Xaaji.”
Section  Somali
Category   Local News
Tags  warfaafinta wasiirka

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS