Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo Maanta lagu dilay deegaanka Tixsiile

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ayaa lagu dilay maanta deegaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii isaga iyo ciidamo uu watay ay weereen ciidammo ka tirsan dowladda oo deegaankaas ku sugnaa.
Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo Maanta lagu dilay deegaanka Tixsiile
Yuusuf Cali Indhoole oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe isagoo ka baxsaday, kaddib markii isaga iyo guddoomiyihii hore ee degmadaas Cismaan Xaadoole ay askar ka tirsan ciidamada booliiska ku dileen degmadaas. “Indhoole iyo ilaalo ilaalo uu watay ayaa weeraray ciidammo ku sugnaa Tixsiile isaga iyo afar ilaaladiisa ah ayaana ku dhintay dagaalka,” ayuu warbaahinta u sheegay taliyaha qaybta booliiska gobolka Shabeellada Hoose, Cabdi Ibraahim Shaamoow. Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in Yusuuf Indhoole oo dhuumaaleysi qaybo ka mid ah ku joogay gobolka Shabeellada Hoose uu dhowr jeer weerarro ku qaaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo gobolkaas ku sugan. “Dhowr askari ayay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dagaalka, balse shan qof oo uu sarkaalku ku jiro ayaa lagu dilay, tanina waxay soo afjaraysaa rabsho uu gobolka ka waday dhawaanahan Yuusuf Indhoole,” ayuu Shaamow hadalkiisa ku daray. Guddoomiyihii hore ee degmada Balcad iyo sarkaalkan ayaa baxsad ahaa tan iyo markii ay degmadaas ku dileen ciidammo ka tirsan booliiska Somalia ku socday degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe. Weerarka lagu dilay ciidamadan ayaa keenay in ciidammo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda ay degmadaas tagaan, ayna mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay guddoomiye cusub u magacabeen, iyadoo amar lagu bixiyay in lasoo qabto kuwii ka dambeeyay dilka askarta booliiska ah. Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dilka sarkaalka horay uga tirsanaa ciidamada xoogga ee dhuumaleysiga ku jiray, waxaana qal-qal uu geliyay dagaalkii maanta xaaladda deggenaasho ee deegaanka Tixsiile. Xigasho:Hiiraan
Section  Somali
Category   Local News
Tag  sarkaal

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS