Qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay degmada Gaarisa ee dalka Kenya

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmay qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, sida uu sheegay taliyaha booliiska magaalada Gaarisa.
Qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay degmada Gaarisa ee dalka Kenya
Taliyaha booliiska Gaarisa, Charles Kinyua ayaa sheegay in laba illaa saddex ruux oo dhalliyaro ah ay bam gacmeed ku tuureen dukaan ku yaalla magaalada Gaarisa, halkaasoo ay ku dhaawcmeen saddexda qof. Weli ma jirto cid sheegatay inay qaraxaas ka dambeysay, balse booliiska ayaa si kooban u sheegay inay ka tirsan yihiin kooxaha weerarka geystay Al-shabaab, ayna wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan. Xaaladda magaalada Gaarisa ayaa maanta deggen, iyadoo qaraxan uu qayb ka yahay qaraxyo horay uga dhacay degmadaas, inkastoo degmadan ay nabadgalyo ka jirtay muddooyinkii ugu dambeeyay. Dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2011-kii oo ahayd markii ay ciidamada Kenya u soo dirtay Somalia ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay qaar ka mid ah sheegatay Al-shabaab.
Section  Somali
Category   Local News
Tag  gaarisa

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS