Dowladda Jabuuti oo shaacisay magacyada labadii qof ee qaraxyada geystay

Xukuumadda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday magacyada labadii qof ee dhawaan qaraxa ka geystay maqaahida La Cheaumiere ee magaalada Jabuuti, taasoo ahayd goob ay ka cunteeyaan dadka ajnabiga ah ee ku nool magaaladaas.
Dowladda Jabuuti oo shaacisay magacyada labadii qof ee qaraxyada geystay
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Jabuuti, Maki Cumar C/qaadir oo shir jaraa’id ay si wadajir ah u qabteen madaxa dambi-baarista booliiska Jabuuti Col. Cumar Xasan ayaa sheegay in labada ruux ay kasoo kala jeedaan Somaliland iyo Dirir-dhabe. “Labadan ruux ee qaraxyada ka geystay Jabuuti waxaa lagu kala magacaabi jiray, Muuse Rooble Hiraabe oo kasoo jeeda Dirir-dhabe iyo Hodan Maxamed Ciise oo ka soo jeedda deegaannada Somaliland, waxayna labadooduba kasoo galeen Jabuuti deegaanka Lowya-cadde,” ayuu yiri Maki Cumar. Sidoo kale, xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in labadan ruux ay kasoo galeen Jabuuti dhinaca xuduudda Soomaaliya, gaar ahaan Lowya-cadde, uuna u fududeeyay inay soo galaan Jabuuti askari ka tirsan booliiska Jabuuti oo lagu magacaabo Suleymaan Waaberi, kaasoo uu sheegay inuu haatan xiran yahay, baaritaanna uu ku socdo. Madaxa dambi-baarista Jabuuti, Col. Cumar Xasan oo isaguna dhabkiisa hadlay ayaa sheegay in toddoba qof oo lala xiriiriinayo qaraxaas la horkeenay maxkamad, intii dambiga lagu waayayna lasii daayay kuwii lagu helayna la xukumi doono. “Dadkii qaraxyada fuliyay waxay ahaayeen kuwo sharci-darro kusoo galay Jabuuti, wax warqado ah ma haysan, saddex guri oo kala duwan ayayna seexdeen intii ay joogeen magaalada, kuwaasoo dhammaantood ku yaalla xaafadda Balbala, waxay ahaayeenna way noo cadaaatay, waana guul. Markaas kaddib ayaan baadi-goobnay intii gacan siisay waana helnay, waxaana soo geliyay askariga booliiska ah iyo nin kale oo la socday,” ayuu yiri Col. Cumar Xasan. Mar la weydiiyay Col. Cumar Xasan su’aal ahayd in qaraxyadan ay saameyn ku yeelanayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Jabuuti, ayaa sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelanayn, balse cid walba oo dambiga wax ku yeelata la qaban doono. “Waxaan idiin caddeynayaa dadka Soomaaliyeed ee Jabuuti deggen qaraxyada wax saameyn ah kuma yeelan doonaan, waxa keliya oo ay saameyn ku yeelan karaan dadkii gacanta siiyay labadan qof ee dhibaatada geystay, sida qofkii meel seexiyay, hub siiyay ama si kale u caawiyay,” ayuu yiri madaxa dambi-baarista booliiska Jabuuti. Al-shabaab ayaa sheegatay qaraxyadaas inay ka dambeysay, iyadoo dowladdu ay sheegtay in khasaare yar uu ka dhashay qaraxaas, balse warbaahinta caalamka ayaa baahiyay in dad badan ay ku dhinteen weerarkaas ismiidaaminta ahaa. Ugu dambeyn, wasaaradda arrimaha diinta iyo owqaafta dalka Jabuuti ayaa ku qabtay magaalada Jabuuti kulan ay ka qaybgaleen imaamyada masaajidda ku yaalla magaaladaas, kaasoo ku saabsanaa in shacabka laga wacyi-geliyo qaraxyada. Xigasho:hiiraan
Section  Somali
Category   Local News
Tag  jabuuti

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS