5 entries

Articles Published on June 1, 2014

Dowladda Jabuuti oo shaacisay magacyada labadii qof ee qaraxyada geystay

Xukuumadda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday magacyada labadii qof ee dhawaan qaraxa ka geystay maqaahida La Cheaumiere ee magaalada Jabuuti, taasoo ahayd goob ay ka cunteeyaan dadka ajnabiga ah ee ku nool magaaladaas.

dhageyso warka axadnimo ee radio sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho..
halkaan ka dhageyso

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo Maanta lagu dilay deegaanka Tixsiile

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ayaa lagu dilay maanta deegaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii isaga iyo ciidamo uu watay ay weereen ciidammo ka tirsan dowladda oo deegaankaas ku sugnaa.

Wasiirka Warfaafinta oo ka Warbixiyay Horumarrada ay Soomaaliya gaartay

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia, Mustaf Sheekh Cali Duhulow oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay howlaha u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya iyo wax-qabadkeeda todobaadkii hore. Isagoo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin weerarkii iyo qaraxii lagu qaaday dhismaha baarlamaanka, arrimaha beeraha, sharciga isgaarsiinta, xaquuqda aadanaha, magacaabistii guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka iyo horumarka barnaamijka xasilinta dalka.

Qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay degmada Gaarisa ee dalka Kenya

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmay qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, sida uu sheegay taliyaha booliiska magaalada Gaarisa.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS