AMISOM oo sheegtay inay Al-shabaab kasoo furteen ganacsato u Afduubnaa

Ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba ayaa ku guuleystay inay xoog kusoo furtaan 30-qof oo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ka afduubeen saakay duleedka magaalada Kismaayo, sida uu warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif.

AMISOM oo sheegtay inay Al-shabaab kasoo furteen ganacsato u Afduubnaa

Soddonkan qof ayay AMISOM ku sheegtay inay isugu jireen rag iyo dumar saakay ay afduubtay Al-shabaab, kuwaasoo ka ganacsada Jaadka, kuwaasoo la sheegay in laga afduubay deegaanka Baar-caleen oo u dhexeeya garoonka diyaaradaha iyo magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay dadkan la aaday dhinaca degmada Jilib  ee gobolka Jubbada Dhexe, balse ay ciidamadooda iyo kuwa dowladdu howlgallo ay sameeyeen kusoo furteen ganacsatadaas.

“Maqribnimadii xalay waxay ciidamadeennu ku guuleysteen inay kasoo furtaan Al-shabaaab 30-qof oo isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo ay afduub ahaan uga qabsadeen deegaanka Baar-caleen, tallaabadaasna waa mid muhiim ah,” ayuu yiri danjire Anaadiif.

Ergaygu wuxuu sheegay inuu uga mahadcellinayo ciidamadooda iyo kuwa Jubba howsha ay qabteen, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid ay ku caawinayeen shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falkan afduubka ah oo ah mid lagu cabsi-gelinayo shacabka Soomaaliyeed, kana horimaanaya xorriyadda iyo fursadaha ay ku shaqeystaan. Waxaana rajeynayaa in falalka argagaxisada loo jabin doono sidii maanta loo jabiyay oo kale,” ayuu hadalkiisa ku daray dajire Anaadiif.

Ugu dambeyn, waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay AMISOM in markii ay wayday lacagihii ay ka heli jireen Kismaayo, Marko iyo deegaanadii kale ee ay ka talin jireen ay billaabeen inay falalka noocaan oo kale ah sameeyaan si ay lacago ugu helaan.

Ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ku aaddan in ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ah ee Jubba ay xoog uga furteen ganacsatada ka ganacsada jaadka ee magaalada Kismaayo oo ay afduub ku qabsadeen.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  AMISOM

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS