5 entries
Articles Published on May 31, 2014
Ciidamada
AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba ayaa ku guuleystay inay xoog kusoo
furtaan 30-qof oo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ka afduubeen saakay
duleedka magaalada Kismaayo, sida uu warsaxaafadeed uu soo saaray ku
sheegay ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed
Saalax Anaadiif.
Wasiirka
waxbarashada Somalia, Ciise Maxamed Guraase oo dalka Tuuniisiya kaga
qaybgalaya shir ay isugu yimaadeen wasiirada waxbarashada ee dalalka
xubnaha ka ah ururka jaamacadda Carabta ayaa been-abuur ku tilmaamay war
lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida oo lagu sheegay in
wasiirku uu ka hadlay xariga taliyaha hoggaanka saadka booliiska
Soomaaliya, Jen. C/llaahi Xasan Bariise.