5 entries

Articles Published on May 28, 2014

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo lala beegsaday Qarax Miino oo uu ka badbaaday

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe) ayaa ka badbaaday saakay qarax miino oo lala eegtay gaari uu saarnaa oo noociisu ahaa kuwa aysan xabbaduhu karin.

Madaxweynaha oo Amaray in la baaro Kooxihii dilay Sarkaalkii Turkiga ahaa

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo kooxihii ka dambeeya dilka sarkaal u dhashay dalka Turkiga oo shalay lagu toogtay agagaarka isgoyska lambar afar.

UNICEF: 200,000 oo caruur Soomaaliyeed ah ayaa qarka u saaran dhimasho

In ka badan 200,000 oo caruur Soomaaliyeed ah oo ay da'doodu ka yar tahay shan sano ayaa laga baqdin qabaa inay u dhintaan nafaqo-darro inta uusan sannadkan dhammaan, haddii aan lala gaarin gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo, sida ay sheegtay hay’adda badbaada caruurta UN-ka ee UNICEF.

Is mari waa u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo soo if baxay

Is mari waa ku saabsan isku shaandheyn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirada ayaa soo dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo arrintan ay durba soo shaac baxday.

Bayaan ay wadajir usoo saareen danjireyaasha QM, IGAD iyo EU ee Soomaaliya

Waxaan bogaadineynaa fal celinta ay sameeyeen xoogaga ammaanka Soomaaliya iyo AMISOM. Waxaan tacsi u direynaa qoysaska dadkii ku wax yeeloobay. Waxaa nagasii go’an in aan dadka Soomaaliyeed ku taageerno sidii ay uga gudbi lahaayeen tobaneeyo sanadood oo colaad iyo ammaan darro ah ayadoo la tix raacaayo waajibaadka na saaran.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS