Daawo Sawiradda:Samantha Lewthwaite oo la ogaaday in gudaha Soomaaliya ku guursaday Sargaal sare oo katirsan Al-Shabaab

Warar laga helay sirdoonka dalalka Kenya iyo Ingiriiska ayaa waxaa ay sheegayaan in haweeneyda sida weyn loo doon doonayo ee u dhalatay dalka Ingiriiska ee la yiraahdo Samantha Lewthwaite inay guursatay mid ka hogaamiyaasha Xarakadda Al-Shabab oo kasoo jeeda mid ka mid beelaha hubeysan ee Soomaalida ah sida warkaan lagu yiri.

Daawo Sawiradda:Samantha Lewthwaite oo la ogaaday in gudaha Soomaaliya ku guursaday Sargaal sare oo katirsan Al-Shabaab

Warbaahinta dalka Ingiriiska badankood oo maanta sheekadaan si gaar ah u hadal haya ayaa sheegay in ilo lagu kalsoonyahay ay sheegayaan haweeneydaan inay gudaha Soomaaliya ku guursaday nin magaciisa lagu sheegay Xasan Macalim Ibraahim oo Shababka dhexdiisa looga yaqaan Shiikh Xasan kasoo koox aad u hubeysan oo beeshiisa ah ku dhex leh Al-Shabab.

Wargeyska The Mirror la yiraahdo oo ka mid ah wargeysyadda dalka Ingiriiska kasoo baxa ayaa qoray in Samantha Lewthwaite ay u guursatay Xasan Macalin si amaankeeda loo illaaliyo oo ay uga magan gasho shaqsiyaad Shabab ku dhex jira oo hay’adaha sirdoonka reer galbeedka la shaqeeya.

Sidoo kale wararka ay baahiyeen hay’adaha sirdoonka Kenya iyo Ingiriiska ayaa sheegaya in haweeneydaan hadda ay degen tahay tuulo la yiraahdo Nasable oo qiyaastii 25 mile u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xasan Macalim Ibraahim oo ay Shababku ugu yeeraan Sh, Xasan waa sargaal Shabab muhiim u ah waxaana uu hogaamiyaa guutooyin ka tirsan dagaalamayaasha Xarakadda Al-Shabab.

Ilo wareedyada la helayo ayaa sheegaya in Samantha guriga ay tuuladdaas ka degen tahay illaaliyaan cutubyo ka tirsan qeybta qaraxyadda Al-Shabab iyo koox kale oo ku hayb ah Saygeeda Soomaaliga ah ee ay guursatay.

“Marka ay banaanka usoo baxayso waxay soo xirataa dhar wada madow si ay u qariso midabkeeda Cadaanka ah waxaana ay soo baxdaa ayadoo aad loo ilaalinayo” waxaa sidaas yiri qof ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay wargeyska The Mirror magaciisana sababo amaan u qariyay.

Saygeedii ugu horeeyay oo la oran jiray Germaine Lindsay, waxaa la aaminsan yahay inuu ka mid koox ka dambeysay qaraxyo ka dhacay marinada tareenadda magaalada London sanadkii 2005,tii markaas kadibna waxaa la sheegaa inay mar guursatay hogaamiye Shabab ka tirsanaa oo u dhashay dalka Kenya magaciisa lagu sheegay Cabdi Waahid, ninkaan hadda la shaaciyayna waxaa uu noqonayaa Saygeedii Sadexaad.

Samantha Lewthwaite oo ka mid ah ajaanibta Shabab la jooga ayaa waxaa loo haystaa weeraro dhawr ah oo ka dhacay Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah si gaar ah waxaa la sheegaa inay lug weyn ku laheyd weerarkii suuqa Westgate lagu qaaday bishii September ee sanadkii hore haddana waxay ka mid tahay dadka sida weyn loo doon doonayo.

samanta_1samanta_2samanta_3

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Lewthwaite Samantha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS