Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo aqabalay Iscasilaadii Wasiirka Amniga Qaranka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ka aqbalay wasiirkii amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed isagoo ku tilmaamay is-casilaaddan inay tahay tallaabo geesinimo leh.


Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo aqabalay Iscasilaadii Wasiirka Amniga Qaranka

Mudane C/weli Sheekh ayaa ku amaanay wasiirka is-casilay inuu ahaa muwaadin si dhab ah ugu adeegayay shacabka Soomaaliyeed, xilli iscasilaaddiisa ay imaanayso iyadoo Al-shabaab ay weerartay xarunta baarlaamanka Soomaaliay oo uu shir ka socdo.

“Waan ka aqbalay is-casilaadiisa wasiirka amniga Qaranka, wuxuu ahaa muwaadin u shaqaynayay sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen ammaan, waxaana ka rajaynayaa inuu la sii shaqeyn doono dowladda, si looga fa’iideysto khibradiisa shaqo,” ayuu yiri ra’iisul waasare C/weli Sheekh.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay inay xukuumaddu waddo baaritaan lagu ogaanayo wixii shalay dhacay iyo sidii ay u dhaceen, cid kasta oo mas’uuliyaddaas wax ku yeelatana si dhab ah loola xisaabtami doono.

 Ugu danabyn, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu si dhaqso ah u soo magacaabi doono mas’uulkii bedeli lahaa wasiirka amniga Qaranka, kaasoo uu sheegay inay ka sugayaan wax-qabad muuqda oo dhinaca ammaanka ah.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xalay ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay, kaddib markii uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ugu maqan dalka Koonfur Afrika.

Iscasilaadda wasiirka ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shalay ay Al-shabaab weerar khasaare nafeed geystay ay ku qaaddday xarunta baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo qaatay muddo shan saacadood ah.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  raiisul wasaaraha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS