Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Is casilaadii Wasiirkii Amniga Cabdi kariin Guuleed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta Magaalada Muqdisho Dib ugu soo laabtay ayaa markii  uu soo laabtay Waxaa uu ka hadlay Arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Weerarkii Shalay al shabaab ku qaadeen Xarunta Golaha shacabka Muqdisho iyo is Casilaada Wasiirkii Amniga Qaranka cabdi kariin Xuseen Guuleed oo Xalay Xilka iskaga Dagay.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Is casilaadii Wasiirkii Amniga Cabdi kariin Guuleed

Madaxweynaha ayaa Ugu Horeyn Waxaa uu u Tacsiyadeeyay  Dadkii ku dhintay Weerarkii shalay Dagaalamayaal al shabaab ka tirsan ay ku Ekeyeen xarunta baarlamaaanka halkaa oo ay ku dhinteen Dad badan kuwa kale oo Xildhibanao ka mid yihiina ay ku dhaawacmeen  Waxana uu madaxweynuhu ku sheegay Falkaas Weerar fulaynimo ah oo al shabaab ay ku Fashilmeen isku daygoodii ay ku doonayeen in ay ku laaayaan Xildhibaanada Qaranka .

Madaxweynaha ayaa waxaa kale oo uu ka Hadlay Is Casilaadii Xalay uu Sameeyay Wasiirkii Amniga Qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed isagoo sheegay madaxweynuhu in Arinta uu sameeyay Guuleed ay tahay Arin Geesinimo leh isla Markaa waxaa uu ugu Baaqay Mas,uuliyiinta kale Ee Aan ka soo Bixi karin Xilka ay hayaan in ay ku Daysadaaan oo ay iskaga tagaaan jagada si Dad ka bixi kara loogu dhiibo.

Madaxweynaha ayaa ugu Dambeyntii Waxaa uu ka hadlay Weerarkii Qaraxyada ahaa Ee Xalay ka dhacay dalka Jabuuti Halkaa oo ay Dad ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen isagoo u tacsiyadeeyay Dowladda iyo shacabka Reer Jabuuti.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  madaxweynaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS