Taliska Booliiska oo sheegay in Muqdisho ay ka sameeyaan Howlgal gaar ah

Taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa shaaciyay inay kordhin doonaan howl-gallada Muqdisho ay ka wadaan si ay ammaanka u xaqiijiyaan, isagoo sheegay inay billaabayaan howlgallo gaar ah oo 10 maalin oo xiriir ah socon doona.

Taliska Booliiska oo sheegay in Muqdisho ay ka sameeyaan Howlgal gaar ah

Jeneraalka ayaa sheegay in howllgaladan ay fulin doonaan dhammaan ciidamada ammaanka si gacanta loogu dhigo wuxuu ugu yeeray kooxaha falalka amaan-xumo ah kawada xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

“Howlgallo baaris ah ayaan ka sameynaynaa Muqdisho muddo toban maalmood ah oo isku xigta, howlgalladan waa ka duwan yihiin kuwii hore, waayo waxaa jira goobo si gaar ah loo tuhusan yahay oo ay ku dhuuntaan cadowga, ciidamaduna diyaar ayay u yihiin inay goobahaas gaaraan,” ayuu yiri Jen. Saacid.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa ku boorriyay ciidamada amniga in gaari aan lahayn astaan ay qabtaan, si amniga loo sugo. Waxaana uu ku hanjabay in gaarigii la arko isagoo aan lahayn taargo ganaax adag la saarayo.

“Ciidamada amniga waxaa la farayaa in gaarigii aan lahayn sumad, ha ahaado mid shacab ama mid dowladeed inay gacanta ku dhigaan, sharciga ayaana la marsiin doonaa gaarigaas iyo dadka wata, waana la ganaaxayaa,” ayuu yiri taliyuhu.

Waddooyinka caasimadda Muqdisho ayaa waxaa lasoo dhoobay ciidammo badan oo booliis ah, kuwaasoo la sheegay inay diyaar u yihiin inay fuliyaan howlgalka uu ku dhawaaqay taliyaha booliiska Soomaaliya.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  booliska somalia

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS