5 entries

Articles Published on May 21, 2014

Gudoonka Baarlamaanka oo ganaax ku soo rogay Xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada Baarlamaanka

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray tira-koobkii ugu dambeeyay ee Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka, iyadoo maanta uu kooram la'aan u baaqday codeyntii xeerka Bangiyada oo ka mid ahaa hidise sharciyeedyo hor-yaala Baarlamaanka.

SHEEKH XASAN DAAHIR: "Dalku wuxuu ku jiraa Gumeysi, waana mid qaybsan"

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo 11-bilood ah u xiran dowladda Soomaaliya, ahaana hoggaamiyihii ururka Xisbul Islaam ayaa tan iyo markii la xiray jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay oo uu kaga hadlay xalaadda dalka uu haatan ku sugan yahay, isagoo eedeyn u jeediyay Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay inay gacanta ku dhigeen gabar dooneysay inay is qarxiso

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Beledweyn ayaa ka warbixiyay howl galo maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadeen magaalada.

Dowladda Uganda oo sheegtay inay deegaan cusub ka Qabsadeen Al-shabaab

Ciidamada ka socda dalka Uganda ee AMISOM qaybta ka ah ayaa la sheegay inay kala wareegeen Al-shabaab deegaanka Koruyel oo 250-km u jira Muqdisho, sida uu maanta shaaciyay sarkaal sare oo u hadlay ciidamada Uganda.

Xassan Shiikh Maxamuud oo difaacay sababihii uu xabsiga kaga sii daayay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeesay waxa uu ka hadlay Sababta ka dambeysay cafis uu u fidiyay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen.Cabdi Maxamed Ismaaciil oo lagu helay in uu Al-Shabaab xariir la lahaa uuna xabsiyada kasii daayay Rag katirsanaa Kooxdaasi.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS