7 entries

Articles Published on May 18, 2014

Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay oo howshooda ka billaabay Muqdisho

Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa guddoomiyay kulankii ay sida rasmiga ah howshooda ugu billaabayeen ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay ee Muqdisho, kuwaasoo ka socda dalka Uganda.

Ururka ka-hortagga Tahriibka ee SOYATO oo ku baaqay in la joojiyo Tahriibka

 Munaasabad lagu maamuusayay maalinta 15- May oo ah maalintii la aasaasay ururkii gobonimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL ayna lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgaleen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Daahir Aadan Indha Qarshe Taliyaha Ciidamada xooga dalka oo ka warbixiyay tirada askarta uga dhimatay howl galka isbaaro qaadista

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa ka warbixiyay howl galada ka dhanka ah Isbaarooyinka yaala deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo ciidamo ka tirsanaa dowladda oo laga ruqseeyay shaqada ciidanimo ay wali dhibaato ku hayaa dadka safarka ah.

Munaasabada 18-ka May ee gooni isu taaga Somaliland oo saaka ka bilaabatay Hargeysa iyo magaalooyin kale

Munaasabado ballaaran oo loogu dabaal degayo 18-kii May ee gooni isu taaga Somaliland ayaa saaka ka socda magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale, iyadoo ammaanka guud si aad ah loo adkeeyay.

Soomaali ku xir-xiran dalka Kenya oo dalbaday in dib loogu celiyo Soomaaliya

 In ka badan boqol oo Somali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa ka dalbaday dowladaha Kenya iyo Soomaaliya in dib loogu celiyo Soomaaliya.

DHAGEYSO WARKA AXADNIMO EE WARBAAHINTA SAGAL

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho..
HALKAAN KA DHAGEYSO

War Dag Dag ah:Baarlamaanka Soomaaliya oo manta Codka Kalsoonida u qaaday Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood kadib waxa ay maanta Codka Kalsoonida u qaadeen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre, oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Mooshin ka keeneen.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS