Bannaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Soomalia oo ka socda Muqdisho

Dibadbax lagu taageerayo madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa haatan ka socda garoonka kubada cagta Banaadir ee degmada C/casiis halkaasoo ay ku sugan yihiin dad aad u fara badan.


Bannaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Soomalia oo ka socda Muqdisho

Isku-soo-baxan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee lagu taageero Xasan Sheekh oo ka dhaca Muqdisho, iyadoo dadka ka qaybgalaya ay isaga imaanayaan qaybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Waddooyinka Muqdisho qaarkood ayaa la xiray, kaddib markii dadka iyo gaadiidku ay faraha ka bateen, iyadoo madaxweynaha Somalia uu ka qaybgalay dibadbaxa lagu taageerayo, isagoo jeedin doona khudbad.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo abaabulay dibadbaxan, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay maamulka gobolka ay sheegeen inay qorsheeyeen in dibadbaxan ay kasoo qaybgalaan kumannaan qof, uuna yahay mid looga horjeedo baaqii dhawan ay soo saareen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

Jidadka waaweyn ee Muqdisho ayaa lagu arkayaa dad isugu jira dhallinyaro, haween iyo waayeel wata boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ku taageerayaan madaxweynaha Soomaaliya, halka kuwo kalena ay wataan calanka jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dibadbaxayaasha ayaa isaga imaanaya dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir sida ay mas’uuliyiinta maamulka qaarkood u sheegeen warbaahinta, waxaana uu noqonayaa dibadbaxan kii ugu horreeyay oo uu maamulka gobolka Banaadir soo qaban-qaabiyo.

Gobollada dalka qaarkood ayaa waxaa sidan oo kale uga dhacay dibadbaxayo lagu taageerayo madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex-oogan madaxweynaha iyo xildhibaannada ka horjeeda ay cirka isku shareerayso.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS