Mareykanka oo Xarumo Hubka uu ku keydsado ka furanaya magaalada Muqdisho

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in laba xarumood oo loogu talagalay Keydka Hubka iyo Dayactirka Hubka lagu sameeyo in dhawaan laga sameyay Xarunta Wasaarada Gaashadhiga ee Magaalada Muqdisho.

Mareykanka oo Xarumo Hubka uu ku keydsado ka furanaya magaalada Muqdisho

Wakiilka Gaarka ah ee Dawlada Mareykanka u qaabilsan Arimaha Somaliya Jemis se Anwalt ayaa waxaa uu sheegay in Masruuca uu qarasha ku baxay ay dowladiisa bixisay uu qayb ka yahay qorshe la doonayo in sideed xarumood oo Keyd hub ah oo dowlada Somalia loogu sameeyo lagana hirgaliyo magaalada Muqdisho.

Mashruucan waxaa gacanta ku haysa inta uu socday Hay’ad la yiraahdo magaceeda Mack oo Mareykanka laga leeyahay oo dhiseysay Xarumaha Keydka Hubka waxaana la rajeynayaa in lexda xarumood laga hirgalinayo Magaalada Muqdisho ay noqdaan kuwa isku xig xiga sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Mareynaka u qaabilsan Arimaha Somalia .

Markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Somalia dowladihii Somalia soo maray ee KMG ahaa ma aysan helin xarumo hubka lagu keydiyo ama lagu dayactiro waxana somalia loo Aminsan yahay in ay kamid tahay meelaha sida xaf dhaafka ah u soo galo hubka aan Sharciga Aheyn.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  MAREYKANKA

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS