Dab xalay ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha oo lagu guuleystay in la damiyo

Dab ayaa xalay ka kacay goob ganacis oo ku taalla suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo lagu guuleystay in la damiyo, kaddib markii lala galay dagaal xooggan.


Dab xalay ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha oo lagu guuleystay in la damiyo

Lama sheegin illaa hadda wixii sababay dabkan oo mar qura qabsaday dhisme weyn oo ganacsi; iyadoona aan la ogeyn khasaaraha hantiyeed uu dabka geystay, kaasoo socday muddo kooban.

Gaadiidka dab-damiska maamulka gobolka Banaadir oo gaaray goobta uu dabku ka kacay ayaa ku guuleystay inuu dambku dambiyo; waxaana dad badan oo sidoo kale goobta yimid ay ka qayb-galeen daminta dabkaas.

Intii lagu gudo-jiray howsha daminta dabka ayaa waxaa lagu arkayay goobta uu ka kacay dabka guddoomiyaha degmada Howlwadaag, isagoo dadka ugu baaqayay in ay ka qaybqaataan daminta dabka inta uusan faafin.

Dhismihii uu dabku ka kacay ayuu ku ekaa, mana jirto meel kale oo u gudbtay inkastoo dadaal xooggan looga galay in la dambiyo, iyadoo la xusuusto in suuqa Bakaaraha uu yahay kan ugu weyn Muqdisho.

Marar badan oo hore ayuu dab ka kacay suuqa Bakaaraha kuwaasoo khasaare aad u badan geystay, inkastoo sannadihii ugu dambeeyay aysan jirin wax dab ah oo ka kacay suuqa.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  bakaaro

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS