TARSAN: "Gudoomoyihiii hore ee maamulkii Bobalka Banaadir oo ugu baaqay Booliisku in ay baraan Dilkii C/kaafi Hilowle"

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Max'uud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka dalbaday booliiska gobolka Banaadir inay faahfaahin dhab ah ka keenaan sidii uu u dhacay dilkii xoghayihii hore ee gobolka Banaadir oo shalay lagu dilay meel ku dhow isgoyska KM-4 ee Muqdsiho.

TARSAN: "Gudoomoyihiii hore ee maamulkii Bobalka Banaadir oo ugu baaqay Booliisku in ay baraan Dilkii C/kaafi Hilowle"

 Tarsan ayaa geerida C/kaafi Hilowle Cismaan ku tilmaamay mid aad looga xumaado maadaama uu ahaa nin ay soo wada-shaqeeyeen, isagoo intaas ku daray in dilkiisa mid uga xanuun badan uusan muddooyinkan soo marin.

"Ummadda Soomaaliyeed waxaan uga tacsideynayaa geerida marxuumka oo ahaa mas’uul aan in badan wada-shaqeynay, habeen hore ayaa wada joognay, weli ma arag dhimasho aan maqlay oo iiga xanuun badan,” ayuu tiri duqii hore ee Muqdisho.

Sidoo kale, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in booliiska laga rabo inay soo bandhigaan sida wax u dhaceen, isagoo ku sifeeyay C/kaafi inuu ahaa nin geesi ah oo howsha loo diro sida loogu talo-galay uga soo baxa.

"Booliiska waxaa laga doonayaa inay faahfaahin cad ka keenaan, sida dilkaas uu ku dhacay. C/kaafi wuxuu ahaa nin aad iyo aad u karti badan oo geesi ah, runtii dadka fara ku tiriska ee waddankan wax ka qaban kara ayuu ku jiray, runtii shaqooyinka adag ee aan kala quusto qof kale inuu qabto ayaa u diri jiray C/kaafi, wuxuu ahaa qof isku kalsoon, aaminsanna wuxuu sameynayo geesinimadeedana leh," ayuu mar kale yiri Tarsan.

Xoghayihii hore ee gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa waxaa dhawaan loo magacaabay sarkaal sare oo booliiska dalka ka tirsan, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehelladiisa, isagoo dhawaanahan ku xareysnaa iskoolka booliiska Muqdisho.

Cabdikaafi ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay oo ka tirsan maamulkii hore ee gobolka Banaadir oo lagu dilo Muqdisho, xilli Al-shabaab ay sheegayso inay ka go’an tahay inay beegsato dhammaan mas’uuliyiintii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  tarsan

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS