Roobab lagu diirsaday oo tan iyo xalay ka da'ayay deegaanno ka tirsan G/Sool

Roobab ayaa xalay illaa saaka ka da'ayay deegaannada uu ka kooban yahay gobolka Sool; iyadoo roobabkan ay imaanayaan waqti xaalad adag ay ku jiraan deegaannadaas, gaar ahaan dhinaca biyo la'aanta.

Roobab lagu diirsaday oo tan iyo xalay ka da'ayay deegaanno ka tirsan G/Sool

Degmada Taleex ayaa ka mid ah deegaannada ay roobabkan ka da’een sida uu noo sheegay, Siciid Maxamuud Jaamac, isagoo xusay inay roobab wanaagsan illaa xalay ka da’ayeen degmada iyo daafaheeda, waxan kaloo roob fiican uu ka da’ay tuulada Carooley oo ka mid ahayd deegaannada sida aadka looga cabsida qabay in haraad uu aafeeyo.

Sidoo kale, degmada Xuddu ayaa ka mid ah deegaannada ay roobabka wanaagsani ka da’een sida uu sheegay Axmed Cali Faarax, iyadoo waddooyinka degmadaas ay dadku soo tooseen iyagoo ay biyo fadhiyaan.

Magaalada Laascaanood ayaa inta badan dhibicda roobku gaartay inkastoo uu u kala badan yahay; iyadoo magaalada roobabkii saakay ka da’ay ay sababeen in la fasaxo goobaha waxbarashada.

Deegaanno ku dhow-dhow magaalada Buuhoodle sida deegaanka Caymeed ayaa ka mid ah deegaannada ay roobabku heleen inkastoo magaalada aysan wax roob ah ku da’in, waxaana ka mid ah Khadar Cawl Ismaaciil.

Guud ahaan deegaanku uu u badan yahay kuwo qabowsaday iyo kuwo la naawilayo iyadoo niyad-xumadii soo wajahday bulshada ay haatan noqotay mid waqti kooban isku bedeshay, walise lama saadaalin karo mugga iyo miisaanka dhibicda roobka ee heshay guud ahaan gobolka Sool.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  roob

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS