Raila Odinga “Beegsiga Somalida ku nool Kenya waxaan u arkaa Dhaqan Gumeysi ah

Ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga oo wareysi siiyey idaacada VOA-da Laanteeda Afka Somaliga ayuu ka hadlay dhibaatooyinka ciidanka Kenya ka geysanayaan magaalooyin katisan dalkaasi.

Raila Odinga “Beegsiga Somalida ku nool Kenya waxaan u arkaa Dhaqan Gumeysi ah

Mar wax laga weydiiyey Raafka lagu qab qabtay Haween,Carruur iyo Dhalinyaro kadibna xabsiga loogeystay ayuu sheegay Raila Odinga mid laga xumaado maadama sida ay dawlada Kenya u wajahday arinta nabad gelyadeeda ay tahay mid wado khaldan loo maray.

Raila Odinga ayaa waxa uu si kulul ucambaareeyey Beegsiga sida gaarka ah loogu hayo dadka Somaliyeed ee deggan Kenya isagoo ku sheegay fal Gumeysi ah oo dawlada Kenya ku dhaqaaqday.

Su’aal ay weydiisay Idaacada VOA-da Ra’iisalwasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo ahayd sida uu u arko xarig dhawaan ciidanka Amaanka Kenya ugeysteen Qunsulka Safaarada Somaliya ufadhiya dalka Kenya Siyaad Maxamuud Shire isagoo tibaaxay inay arintaasi ahayd mid khalad ah oo diblomaasiyada caalamka kasoo horjeedo si taxadar leh inoo loo wajahana ku baaqay arimahaas.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  kenya

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS