QM oo mar kale ka digtay qatarta ka Imaan karto Maleeshiyaadka Shabaab

Sida lagu daabacay wakaalada wararka Ee Washitong Post,xukuumada Washitong ayaa shaacisay in Hanjabaadaha iyo Qatarta Ururweynaha Al-Qaa’ida iyo Laamaha Xiriirka la Leh ay sii kordhayaan,waxaana Mareynkanka uu ka digay in Jiil Cusub ay ku Biiraan Al-Qaa’ida ama ay soo baxaan.

QM oo mar kale ka digtay qatarta ka Imaan karto Maleeshiyaadka Shabaab

Warbixin sanadeed laga soo saaray xafiiska wasaarada arimaha dibada Mareynkanka ayaa lagu sheegay in Tirada Weerarada Kooxda Al-Qaa’ida ay sii korortay sanadkii la soo dhaafay,iyagoona lagu eedeeyay inay weeraro badan qaadeen oo qaarkood qasaaro geystay.

Kooxda la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada u qaabilsan Dowlada Mareynkanka ayaa tilmaamay in dadaal badan ay giliyeen la dagaalanka Al-Qaa’ida,laakiin waxay cadeeyeen in sanadkii 2013-kii uu ahaa sanad weerarada Al-Qaa’ida iyo Kooxaha kale ee xiriirka dhow la leh dardar ku socdeen,sida Kooxaha ka dagaala Bariga dhexe iyo Africa,sida warbixinta lagu yiri.

Marka la fiiro Africa warbixinta waxay hoosta ka xariiqeysaa in dadaal dheeri ah uu jiray oo ku aadan in Kooxaha Al-Qaa’ida ku xiran ay qaadayeen weeraro joogto ahaa sanadkii tagay,waxana si gaar ah farta loogu goday Shabaabka Fadhigooda yahay Soomaaliya oo la sheegay in Qatartooda ay tahay mid sii kordheysa.

“ Ka saaritaanka magaalooyinka Shabaab waxay u weeciyeen dagaalka Istaraatijiyad Cusub oo ay ku carqaladeynayaan deegaanada nabdoon ee gacanta ugu jira Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada,” ayaa warbixin lagu Yiri.

Ugu danbeyntii Mareynkanka ayaa sheegay in ilgaar ah ku eegayaan Qatarta Al-Qaa’ida ee sii kordheysa,isagoona balan qaaday in Dowladaha Soomaaliya ay ka mid tahay ka taageeri doono sii loola dagaalama lahaa loona yareyn lahaa Qatarta Dagaalyahanada Al-Qa’ida.

Al-shabaab ayaa lagu xusuustaa weerar sanadkii tagay ku qaadeen Xarunta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi halkaasi oo ay ku dileen dad tiradooda kor u dhaafeysa 67-Qof.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  QM

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS