Madaxweyne Xasan "2016 doorasho ayaa dalkan ka dhaceyso, lagama noqonayo, barnaamij ayaa socda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu socdo qorshe ku aadan sidii sanadka 2016 dalka looga hirgelin lahaa doorasho, isagoo cadeeyay inay socdaan dhaqan gelinta qorshahaas.

Madaxweyne Xasan "2016 doorasho ayaa dalkan ka dhaceyso, lagama noqonayo, barnaamij ayaa socda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in dowladda ay dejisay barnaamij ku saabsan sidii sanadka 2016 lagu gaari lahaa in dalka doorasho looga hirgeliyo, isagoo tilmaamay in aan laga noqon doonin.

"2016 dalka waxaa ka dhici doona doorasho, taas lagama noqonayo, lagama leexanayo waa isku tahay in dalka doorasho ka dhacdo, weyna dhaceysa Alle idinkii, dowladda barnaamij ayay u dejisay waana socdaa"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlay barnaamijka dowladdiisa dejisay ayuu xusay in sanadkan 2014 barnaamijka loo dejiyay iyo sida waax u qabsoomayo, sidoo kale sanadka 2015 ayuu tilmaamay in qorshe loo dejiyay, ilaa laga gaarayo 2016 ay bilaabanayaan dhaqan gelinta barnaamijkaas sida uu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlayay howl galada ka socda dalka ee Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM wadaa, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka qabsadeen dhowr magaalo, isagoo tibaaxay in haatan ay socdaan qorshe ku aadan sidii maamulo loogu dhisi lahaa deegaanada, looguna soo celin lahaa adeegyadii aas aasiga ahaa.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xiriirka ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo xusay in aanay waxba iska bedelin xiriirkaas, hase ahaatee waxaa uu cadeeyay inay ka sugayaan Kenya in jawaab cad ka bixiyo xarigii loo geystay qunsulkii Safaarada Soomaaliya ee Kenya.

"Ma jirto is faham waa inoo dhaxeeya, labada dal xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo, xariga ka dhashay qunsulka Safaarada jawaab ayaa ka sugeynaa. dowladda Soomaaliya waxay u yeertay Safiirkeeda si ay ula tashato"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn ayaa sheegay in howl galada amniga ee ka socda Kenya ee lagu qab qabanayo Soomaalida ay mas'uul ka tahay Al-Shabaab.

Qorshaha la doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho sanadka 2016 ayaa ah mid beesha caalamka ay aad u daneyneyso, iyadoo warar qaar ay sheegayaan inuu socdo Road Map cusub oo ah qaabkii dalka lagu gaarsiin lahaa hab doorasho, waxaana barnaamijyada uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha in la dejiyo ay yihiin kuwo la doonayo in la dhaqan geliyo ka hor inta aan la gaarin doorasho.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  madaxweynaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS