Labo ruux oo Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay duleedka magaalada Johannesburg ee K/Afrika

Kooxo burcad koofur Afrikan ah ayaa ku dilay duleedka magaalada Johannesburg labo wiil Ganacsato Soomaali ah, kuwaasoo dukaan ku lahaa tuulo lagu magacaabo Mathuli.

Labo ruux oo Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay duleedka magaalada Johannesburg ee K/Afrika

Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay wiil kale oo Soomaali ah, markii kooxdan burcad ah ay ku weerareen dukaankooda dhexdiisa.

Labada wiil ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Shaafici Xasan Nuur iyo C/risaaq C/llaahi Xasan, iyadoo kooxahan burcada ay dukaanka ka qaateen lacag fara badan iyo kaararka ku hadalka taleefanka, waxaana kadib ay ka baxsadeen goobta.

Ciidamada Booliska Koofur Afrika oo aan wax tallaab ah qaadin marka la dilo ganacsatada Soomaalida ayaa goor dambe soo gaaray goobta dilka ka dhaceen, iyagoo ka qaaday meydadka labadii wiil ee Soomaalida ahaa.

Deegaanka lagu dilay labadan wiil Soomaali ah ayaa waxaa ganacsi ku leh Soomaali badan, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo inuu dalka Koofur Afrika ka dhaco rabshado la xiriira naceybka ajaaniibta, xilli doorasho ay ku soo fool leedahay dalkaas.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  africa Soth

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS