6 entries

Articles Published on May 1, 2014

Heshiiskii ay Dowladdu la gashaya FAVORI oo Sharci-darro lagu Tilmaamay

Guddiga gaadiidka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay sharci-darro heshiiskii ay dowladdu la gashay shirkadda FAVORI LLC oo laga leeyahay dalka Turkiga, haatanna wadda dib u dhiska garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xukuumada oo beenisay in raashin mucaawimo lagu boobay Gobolka Bay

Iyadoo duulaan ay ku qabsadeen ciidanka Dawlada Somaliya iyo kuwa AMISOM deegaano ay hore Al Shabaab umaamulayeen ayaa Xukuumadu waxay sheegtay inay amartay gurmad la gaarsiiyo shacabka ku dhaqan deegaanada ay la wareegeen.

Maamulka Galgaduud oo Gargaar dalbaday iyo Howlgallo Amni oo billowday

Maamulka gobolka Galgaduud ayaa dowladda Somalia ka codsday inay gargaar lasoo gaarto dadkii ku barakacay colaaddii u dhexeysay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM iyo Al-shabaab.

Siilaanyo oo la kulmay koox ka Shaqaynaysa Aqoonsi Raadinta Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay koox ka socota Koonfur Afrika, kuwaas oo Somaliland kala shaqayn doono hawlaha Ictiraaf raadin iyo sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Caalamka.

Waxaa Baaritaano dad lagu qab qabtay laga sameeyay xaafado katirsan degmada Yaaqshiid

Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ayaa waxay saaka ku jarmaadeen xaafado katirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho iyagoo halkaasina ka wada Baaritaano dadka lagu qab qabanayo.

Kenya oo qunsul u soo magacawday Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qunsul ay Kenya u soo magacawday magaaladaas uu waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS