Iyadoo duulaan ay ku qabsadeen ciidanka Dawlada Somaliya iyo kuwa AMISOM deegaano ay hore Al Shabaab umaamulayeen ayaa Xukuumadu waxay sheegtay inay amartay gurmad la gaarsiiyo shacabka ku dhaqan deegaanada ay la wareegeen.
Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ayaa waxay saaka ku jarmaadeen xaafado katirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho iyagoo halkaasina ka wada Baaritaano dadka lagu qab qabanayo.
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qunsul ay Kenya u soo magacawday magaaladaas uu waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe.
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dalalka Bariga Afrika in si deg deg ah ciidamo ku filan ugu diraan dalka Koofurta Sudan, si loo soo afjaro colaadaha ka socda dalkaas oo galay lix bilood.