Nabadoon caan ka ahaa Gobolka Gedo oo xalay la dilay xili uu kasoo baxay Masjid uu Salaad kusoo dukaday

Wararka ka imaanaya Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan oon heebtooda wali la garan Degmadaasi ku dileen Nabadoon caan ka ahaa Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Balad Xaawo.

Nabadoon caan ka ahaa Gobolka Gedo oo xalay la dilay xili uu kasoo baxay Masjid uu Salaad kusoo dukaday

Kooxo Hubeesan ayaa la sheegay in ay toogteen nabadoon Aadan C/qaadir (Aadan Dheere) xili uu kasoo baxay Masjid uu salad kusoo dukaday kuna sii jeeday Gurigiisa , Kooxihii dilka geestay ayaana la sheegay in durba ka baxsadeen goobta ay wax ku dileen.

Ciidamada Dowlada ee kusugan Degmada Balad Xaawo ayaa howlgalo waxa ay ka sameeyeen halka lagu Dilay Nabadoon Aadan Dheere ,mana jiro ilaa hada cid loo soo xiray dilka nabadoonkaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa ahaa Nabadoon Caan ka ahaa Degmada Balad Xaawo , waxa uuna maalmihii u dambeeyay ku howlanaa xalinta xiisad u dhaxeeysa labo Ciidan oo katirsan Dowlada oo isku heesta Degmada Balad Xaawo.

Ma jiro ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilka loo geestay Nabadoon Aadan Dheere, Maamulka gacanta ku haya Degmada Balad Xaawo ayaana ku hanjabay in ay soo qaban doonaan sharcigana la tiigsan doonaan kooxihii dilka u geestay Nabadoon Aadan Dheere.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Gado

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS