9 entries

Articles Published on April 24, 2014

Qarax dhimasho Sababay oo Xalay ka dhacay Saldhigga Pangani ee Nairobi

KAfar qof oo laba ka mid ah ay yihiin booliis ayaa ku dhintay qarax xalay ka dhacay saldhigga booliiska Pangani ee xarunta dalka Kenya ee Nairobi, sida ay sheegeen saraakiil u hadlay Kneya, iyadoo qaraxan uu imaanayo xilli ay howlgallo lagu adkeynayo ammaanka ka socdaan Nairobi.

Xukuumada Soomaaliya oo u gudbisay Baarlamaanka sharciga la dagaalanka Argagixisada

Xukuumada Soomaaliya ayaa u gudbisay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbisay sharciga la dagaalanka Argagixisada, kaasoo lagu wado in dhowaan ay meel mariyaan.

Al-Shabaab oo sheegtay in gaadiid dagaal ay ku qabsadeen deegaanka Fiidow ee G/Sh/Dhexe

Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Fiidow ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku dhow xadka Gobolka Hiiraan, markii ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo kolonyo ahaa dhexda u galeen.

C/weli Sheekh oo Weydiistay dalalka Dariska ah inay nabadda wax ka sugaan

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka dalbaday dalalka dariska la ah Soomaaliya inay gacan ka geystaan nabad kusoo celinta Soomaaliya.

Dagaallo Khasaare dhaliyay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bay

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay iska-horimaadyo kala duwan oo ka dhacay gobolka Bay, kuwaasoo u dhexeeay ciidanka dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Daawo sawiradda:Golaha Wasiirada oo ansixiyey guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa, dood dheerna ka yeeshay samaynta maamulada dalka

Muqdisho, April 24, 2014----- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay ansixinta guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo arrintaasi go’aan laga gaaray.

Qoyska Nafiiso Cismaan Salaad Oo Dowladda Ka Dalbaday In Sharciga La Horgeeyo Dhagar Qabayaashii Dilay Gabadhooda

Ehelada qoyskii ay ka geeriyootay gabar ardayad ah oo ay dileen maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab ayaa ka dalbaday dowladda in sharciga la horgeeyo kooxihii ka dambeeyay dilka gabadhooda.

Haweenka oo loo diiday in ay ka mid noqdaan Mamulka Gobalka Banaadir

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen.Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa gabi ahana kasoo horjeestay in Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ay kamid noqoto qof haween ah..

Ciiddanka Gaarka ee (EASF) oo ku soo biiri doona Hawlgalka la gula dagaalamayo Al-shabaab.

Wasiiradda Gaashaandhigga ee dalalka Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Seychelles, Somalia iyo Sudan ayaa shalay waxa uu kulan ugu soo idlaaday Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS