7 entries

Articles Published on April 22, 2014

DEG DEG: Xildhibaan kale oo ka tirsan Baarlamaanka oo maalintii labaad lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay lagu dilay Xaafada Dabakaayo-madow ee degmada Dharkeenley, iyadoo dilkan uu noqonayo mudanihii labaad oo 24-saac gudahood lagu dilo Muqdisho.

Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida oo sheegay inay caqabado kala kulmaan Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda

Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida Qaranka Jen. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in caqabado ay kala kulmaan dad mas'uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda, marka howl galo lagu soo qabto dad la tuhmayo oo dambiilayaal ah.

NUSOJ oo cambaareysay dil shaqaale ka tirsan Idaacada Dalsan loogu geystay Muqdisho

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si kulul u cambaareeyay dil shalay oo taariikhda aheyd 21-ka April loogu geystay Suuqa Bakaaraha shaqaale ka tirsan Idaacada Dalsan oo ka mid ah warbaahinta ka howl gasha magaalada Muqdisho.

War Deg Deg Ah Madaxweynaha Dalka Burudi oo soo gaaray Muqdisho goor dhaweed

Waxaa goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay wafdi balaaran uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Burundi Mr. Pierre NKurunziza 

Dhageyso:Somaliland oo beenisay in ciidan kuweeda katirsan isku dhiibeen maamulka Puntland

Korneel C/rashiid Xersi oo kamid ah Taliska ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag kusugan ayaa waxa uu ka warbixiyey waxay kala socdaan ciidan Somaliland katirsan oo shalay la shaaciyey inay isku dhiibeen maamulka Puntland.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli: “ Falalka aragaxisonimo nagama hor istaagayaan xasilinta Soomaaliya”

Muqdisho, April 22, 2014 ----- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey weerar argagaxisonimo oo maanta lagu dilay Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal oo kooxo hubaysan ay toogteen isagoo ka soo baxayey gurigiisa oo ku yaallay xaafadda Madiina ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Golaha Wasiiradda oo dood ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada

Muqdisho, April 22, 2014----- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada dalka. Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda ay leedahay in si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka loo sameeyo maamulada gobolada, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey kooxaha nabad-diidka.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS