Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinow …

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xeray gaarigiisa magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinow …

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa saakay ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka,Alle raxmadiisa jano ha siiyo anagana samir iyo iimaan hanaga wada siiyo, Xildhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabka anigoo magacooda ku hadlaya waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa Carruurta iyo qoyska uu ka geeriyooday marxuumka”

“Geeridu waa xaq, naf kastana xili ayey leedahay,sababtuna waa halkeeda haseyeeshee gardaro in la isku dilo ma ahan Xaq,waxaase Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Gudoonkaba ay ka mideysan yihiin ineysan falalka argigixisanimo marna na niyad jebineynin oo aysan marna hakin doonin howlaha aan u heyno shacbiga Soomaaliyeed oo waan sii wadi doonnaa’ayuu hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhinac kale alle uga baryey inuu caafimaad dhameystiran siiyo Xildhibaan Maxamed Cali Dhuux oo isaguna ku dhaawacmay falkii argigixisanimo ee maanta.

—DHAMAAD—

Section  Somali
Category   Local News
Tags  barlamaanka gudoomiyaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS