6 entries

Articles Published on April 21, 2014

Qarax ka dhacay degmada Xamar Weyne oo Xildhibaan ku geeriyooday midna ku dhaawacmay

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in qarax miino oo lagu xiray gaari nuuca ZUZUKAHA loo yaqaan lala eegtay Xildhibaano katirsan baarlamaanka Somalia.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo ka Tacsiyey Dilkii Xildhibaan Riino

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacisyeey dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa. Mudane Cabdiweli ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, eheladii, asxaabtii, xildhibaanada iyo qaranka uu ka tegay xildhibaanku, isagoo Illaah uga baryey in uu jannadiisa ka waraabiyo.

Midowga Africa “Weerarada Xildhibaanada loo geysto lama aqbali karo”

War kooban oo laga soo saaray xafiiska wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa ugu sareeya ciidamada AMISOM Max’ed Saalix Annadifi ayaa waxaa uu si kulul ugu cambaareeyay qaraxii maanta lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya mid kalena lagu dhaawacay.

Taliska AMISOM oo ka hadlay hakadka ku yimid dagaalkii ay kula jireen Al Shabaab

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Cornel Cali Aadan Xaamud oo Wareysisiinayey Laanta Afka Soomaaliga Ee VOA ayaa ka hadlay Gaabis ku yimid Howlaglada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ka wadaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii Isaaq Maxamed Cali (Rino)+WARSAXAAFADEED

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Mogadishu, 21 April 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladda, asxaabta, baarlamaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta Qarax lala beegsaday isaga iyo gaarigiisa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinow …

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xeray gaarigiisa magaalada Muqdisho.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS