Shir Ammaanka Qaranka looga hadlayo oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

Shir socon doona saddex maalmood oo looga hadlayo ammaanka dalka ayaa maanta ka furmi doona magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan Hey'adaha Amniga dowladda, Saraakiil ciidan, maamulada gobolada dalka, khubaro xaga amniga ah iyo Taliyeyaal hore.

Shir Ammaanka Qaranka looga hadlayo oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in shirkan uu furmo, iyadoo ammaanka halka uu shirka ka dhacayo la adkeeyay oo ah Hotelka Jaziira, waxaana xiran wadada laamiga ee ka timaada KM4.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa lagu casuumay qaar ka mid ah taliyeyaashii hore ee ciidamada, saraakiil hore iyo qubaro ku taqasusay arrimaha amniga Soomaaliya.

Ajandayaasha shirkan looga hadlayo oo ah mid si guud ah ammaankau quseeya ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa dhibaatooyinka xagi amni darada, arrimaha argagixisada iyo howl galada ka socda gobolada dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xarakada Al-Shabaab oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida ayaa qatar ku ah ammaanka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, iyadoo kooxda mar walba fuliso weeraro isugu jira is qarxin iyo kuwo toos ah oo horay uga geystay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, gobolada dalka, iyo dalalka deriska oo ay ku jiraan Uganda iyo Kenya oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya

Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa ee ammaanka looga hadlo, iyadoo bilihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka dhaceen falal ammaanka lidi ku ah, iyadoo tusaale loo soo qaadan karo weerarkii 21-kii bishii Febraayo lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada qaranka oo ah wadnihii dalka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS