Daawo Sawirada Shir weyne qaran oo looga hadlayo amaanka Dalka oo goordhaw ka furmay Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhaw Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho ,ka furmay Shirweyne looga hadlayo amaanka Dalka ,shirkaa ay ka qeyb galayaan Madax katirsan Dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ka kala socota Maamul Goboleedyada Dalka.

Daawo Sawirada Shir weyne qaran oo looga hadlayo amaanka Dalka oo goordhaw ka furmay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw si rasmi ah u furay Shir weynaha looga hadkayo amaanka guud ee dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo deegaanadii Al-Shabaab laga saaray iyo sidii ay bulshada uga qeyb qaadan laheyd xasilinta amaanka.

Shirka oo socon doono mudo Sadax maalin ah ayaa inta uu socdo waxaa lagu falan qeyn doonaan sida loo sugi karo amaanka Caasimada Muqdisho ,iyo Magaalooyinka iyo Deegaanada kale ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ay maamusho.

Waxaa sidoo kale shirka diirada lagu saarayaa qaabka dalka looga saari karo Kooxda Al-Shabaab oo iyadu dagaal kala horjeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana laga arin sanayaa sida loo xasilin karo goobaha Shabaab heestaan hadii laga saaro.

Amaanka Hotelka Jaziira uu kafurmay Shirka looga hadlayo amaanka Dalka ayaa si weyn loo adkeeyay , waxaana halkaasi buux dhaafiyay oo gaadiidka u diidayaa in ay maraan Ciidamo katiran Dowlada oo isugu jira Nabad Sugid iyo Booliis.

shir_2shir_3shir_5shir_6shir_7shir_8shir_9shir_10shir_11

Section  Somali
Category   Local News
Tags  amaanka shikii

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS