8 entries

Articles Published on April 20, 2014

Diyaarada Qaad sidday oo Shil ku Gashay Garoonka Diyaaradaha Guriceel

Diyaarad qaad sidday ayaa saaka shil ku gashay garoonka diyaaradaha degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaddib markii ay ka baxday waddada ay diyaaraduhu ku cararaan.

Saraakiil Ciidan oo gaaray Balcad iyo Guddoomiyaha degmadaas oo Maqan

Saraakiisha ciidanka dowladda Somalia ayaa xalay gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasoo ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada gaar ah oo taageersan guddoomiyihii degmadaas oo ka baxaday degmada iyo ciidammo ka tirsan booliiska iyo nabadsugidda dowladda.

Shir Ammaanka Qaranka looga hadlayo oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

Shir socon doona saddex maalmood oo looga hadlayo ammaanka dalka ayaa maanta ka furmi doona magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan Hey'adaha Amniga dowladda, Saraakiil ciidan, maamulada gobolada dalka, khubaro xaga amniga ah iyo Taliyeyaal hore.

Shabaab oo sheegtay in ay dishay saraakiil jabuuti ah iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan B/Burde oo beeniyay war ka soo baxay Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab oo ka mid ururada Diimeed ka dagaalamo Soomaaliya ayaa sheegay in ay dagaalkii shalay ee Dagmada Buula Burde ay ku dileen Saraakiil Jabuutiyaan ah sida uu sheegay Afhayeenka Howlalka Ninka lagu magacaabo Cabdi Caziiz Abuu Muscab.

Daawo Sawirada Shir weyne qaran oo looga hadlayo amaanka Dalka oo goordhaw ka furmay Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhaw Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho ,ka furmay Shirweyne looga hadlayo amaanka Dalka ,shirkaa ay ka qeyb galayaan Madax katirsan Dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ka kala socota Maamul Goboleedyada Dalka.

WARKA AXADNIMO EE WARBAAHINTA SAGAL

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho..
HALKAAN KA DHAGEYSO

Madaxweyne Xasan “Dhaqanka fowdada ee 23kii sano na dilay waa uu sii dhammaanayaa” SAWIRRO

Muqdisho, 20 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Amniga. Shirkan oo ay Dowladdu qabanqaabisay kana soo qeybgaleen aqoonyahanno, khubaro dhanka amniga iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ujeedadiisuna tahay in arrimaha amniga la gorfeeyo oo talo ka timid shacabka Soomaaliyeed ay noo horseedo sidii aan u sii xoojin laheyn amniga iyo nabadeynta Somalia.

Hay’adda Nabadsugidda oo soo Bandhigtay Shabaab dilal horey u geystay (Dhageyso+Sawirro”

Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigtay qaar ka mida gacan ku dhiiglayaashii dilay gabar Soomaaliyeed oo lagala baxay Gurigeeda oo ku yaalay dhabarka dambe ee Warshadda Coca Cola  ee Degmadda Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS