5 entries

Articles Published on April 18, 2014

Gudoomiyihii Xamar Jajab oo xilka laga qaaday iyo afar Gudoomiye oo ka soo haray kuwii hore

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab oo ahaa Gudoomiyihii ugu da'da yaraa Gudoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Faah-Faahin Ka Bixisay Ciidamo Shalay Soo Gaaray Dalka

Wasaaradda Gaashaanidhigga ayaa  faah-faahin ka bixisay ciidamo gaar ah oo ku howlgalaya magaca Qaramada Midoobey, kuwaasoo waajibaadkoodu yahay ilaalinta Xafiisyada Qaramada Midoobay.

Soomaaliya oo ka mid noqotay shan dal oo Ciidamo u diraya Koofurta Sudan

War ka soo baxay Xarunta Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socda ilaa shan dal oo ka tirsan IGAD, kuna jirto Soomaaliya ay ciidamo u dirayaan dalka Koofurta Sudan, si ay u dejiyaan xaalada dalkaas ee dagaalada ka jiraan.

Faah faahin ka soo baxaya dagaalo qasaare geystay oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Dagaal culus oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kadib markii gaadiid dagaal ay wateen ciidamada dowladda ay wadada u galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaal qasaare geystay oo ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray degmada Balcad

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda uu ku dhex maray degmadaas, iyadoo la soo sheegayo in dagaalka uu geystay qasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS