7 entries

Articles Published on April 17, 2014

Abaanduulaha Ciidanka XDS Oo Garbahaareey Ugu Geeyay Ciidamada Mishaaraadkooda

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo ujeedada safarka abaanduulaha halkaasi uu ku gaaray uu ahaa geynta mishaaraadka ciidamada Xoogga ee ku sugan gobolkaasi iyo dar dargalinta howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Kulan Looga Hadlayay Sidii Ay Dhalinyaradu Uga Qeyb Qaadan Lahaayeen Adkeynta Amniga Oo Lagu Qabtay Kaaraan

Kulan looga hadlayay sidii dhalinyarada ugu qeyb qaadan lahaayeen adkeynta amaanka Degmada Kaaran  ayna ka qeyb galeen maamulka Degmada iyo dhalinyarada ku nool Degmadaasi  ayaa lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan.

Ciimada Gaar ah oo lagu wado in Muqdisho laga dajiyo kuwaasi oo ilaalin doona Xarumaha UNka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo gaar ah oo ka socda Uganda ayaa maanta lagu wadaa in la geeyo magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kuwaasoo ilaalin doona shaqaalaha iyo xarumaha Qaramada Midoobey.

Madaxweyneyaasha Puntland & Galmudug oo maanta ku kulmay Gaalkacyo

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayey uga hadleen arimo kala duwan.

Xukuumada Soomaaliya oo maanta magacawday Guddi Wasiiro ah oo ka soo talo bixiya hay’adaha caalamiga

Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Maxamed Xirsi.

Qeybtii ugu horeesay Ciidamo Wata Astaanta UN-KA oo Maanta ka soo dagay Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay qeybtii ugu horeesay Ciidamo kasocda Dowlada Uganda oo wata astaanta Qaramada Midoobay.

Shil ka dhacay duleedka degmada Taleex oo ciidan Somaliland ahaa ku geeriyoodeen

Shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxaa lasoo sheegayaa in khasaaro uu kasoo gaaray ciidamo katirsan maamulka Somaliland.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS