Kudhawaad 10 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay dalka Itoobiya

Dad lagu dilay dalka Ethiopia Illaa 9 ruux ayaa ku naf waayay 6 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari nooca rakaabka qaada ah oo marayay magaalo la yiraahdo Assosa, oo ku taala xadka ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Sudan.

Kudhawaad 10 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay dalka Itoobiya

Warbaahinta dawlada Ethiopia ayaa ku waramaya in koox hubaysan ay gaari noociisu bas yahay rasaas la dhaceen rakaabkii saarnaa gaariga taasoo keentay in 9 ruux ay geeriyoodaan 6 kalena ay dhaawacmaan.

Tv,ga dawlada Ethiopia ayaa war kooban oo laga baahiyay waxaa lagu sheegay in in khasaaruhu inta la hubo ka badan yahay oo ay jiraan dad badan oo ayagoo dhaawacyo qaba baxsaday.

Inkastoo aysan jirin cid si cad u sheegatay mads’uuliyadda werarkaas hase ahaatee wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa xubno aan magacyadooda la shaacin oo dawlada Ethiopia u hadlay ayaa waxay ku eedeeyeen koox hubeysan oo dawlada Ethiopia ku kacsan loona malaynayo inay gacan saar la leeyihiin Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan.

Dhawr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale weeraro uga dhaceen gobolada ku yaala xadka Ethiopia iyo Sudan u dhaxeeya Gudaha Ethiopia waxaa ka jira ururo hubeysan oo dawlada ku kacsan kuwaasoo mararka qaar weeraro ka geysta magaalooyin dhawr ah oo dalkaasi ku yaala.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Ababa Addis

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS