8 entries

Articles Published on April 16, 2014

Puntland oo ku hanjabtay inay qaadeyso tallaab ay uga jawaabeyso qabsashadii Taleex

Maamulka Puntland ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaab ay uga jawaabeyso la wareegitaankii Ciidamada Somaliland ee deegaanka Taleex ee Gobolka Sool, halkaasoo xiisado dagaal ay ka jiraan.

Madaxweynaha Mareykanka oo bisha soo socota la kulmaya Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa bisha soo socota ee May wada hadalo kula qaadan doona Aqalka Cad Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka labada dal, la dagaalanka argagixisada iyo ganacsiga.

Ciidamadii ku sugnaa deegaanka Goobweyn oo loo soo daad-gureynayo magaalada Kismaayo

Ciidamadii milateriga ahaa ee ku sugnaa deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo ayaa la bilaabay in dib loogu soo celiyo magaalada, kadib wada hadalo maalmihii u dambeeyay socday oo la xiriiray sidii ciidamadaas lagu soo xareyn lahaa xero ku taal magaalada.

Qaramada Midoobey oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Degmada Taleex ee Gobolka Sool

Muqdisho, 16 April 2014 - Ergaygga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa dareen ka muujiyay shaqaaqadda ka dhexdhalatay ciidamo ka socda Soomaaliland iyo kuwo ka socda Puntland, oo ku murunsan Gobolka Waqooyi ee Sool, gaar ahaan magaaladda Taleex.

Somaliland oo sheegtay inay maamul usameyneyso degmada Taleex

Maamulka Somaliland ayaa waxay sheegeen inaysan ciidankooda kala bixi doonin degmada Taleex ee gobolka Sool oo shalay gelinkii dambe ay ciidankooda la wareegeen.

Kudhawaad 10 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay dalka Itoobiya

Dad lagu dilay dalka Ethiopia Illaa 9 ruux ayaa ku naf waayay 6 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari nooca rakaabka qaada ah oo marayay magaalo la yiraahdo Assosa, oo ku taala xadka ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Sudan.

Kulankii Baarlamaanka oo maalintii 3aad kooram la'aan u furmi waayay, xilli Wasiiro loo yeeray

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeelan lahaa xarunta golaha shacabka ayaa mar kale u baaqday kooram la'aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen Xildhibaano fara badan oo ka maqnaa madasha.

Madaxweyne Xasan "Khilaafka Taleex waa in wadahadal, dib u heshiisiin iyo nabadeyn lagu dhameeyaa.”

‪Mogadishu, 16 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ‪ Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku baaqay in si nabad ah xalka lagu raadiyo oo uu yiri “Wadahadal, dib u heshiisiin iyo nabadeyn waa in lagu dhameeyaa khilaafka Taleex. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS