Xaalada magaalada Kismaayo iyo Socdaalka Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

Waxaa manta maalintii labaad ku sugan magaalada kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose Wafdi uu hogaaminaayo Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Shiikh Axmed oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano.

Xaalada magaalada Kismaayo iyo Socdaalka Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

Wafdiga ayaa waxa ay kulama la leeyihiin madaxda Maamulka Juba iyo wax garad kasoo jeedo deegaanadaasi waxaana saacadihii lasoo dhaafay Cabdiwali Shiikh Axmed uu kulama kula qaatay Madaxtooyada Maamulka KMG ah ee Juba Masuuliyiin uu ka mid yahay Axmed Madoobe Hogaamiyaha Maamulka Juba.

R/wasaare C/weli iyo mas’uuliyiinta la socota ayaa sidoo kale xalay la kulmay Axmed Madoobe oo ah madaxa maamulka KMG ah ee Jubba, waxeyna isla xalay la kulmeen odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Kismaayo wuxuuna kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen nabadgelyada iyo howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ay xaalada Magaalada Kismaayo ay tahay Mid amaanka si aad ah loo adkeeyay waxaana wararka halkaasi laga helaayio ay sheegayaan in socdaalka Raiisul wasaraaha Soomaaliya ee Kismaaypo uu saameen ku yeeshay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka Magaaladaasi.

Waxaa gabi ahaanba xaniban goobaha wax barasho ee Magaalada waxaa sidoo kale wali hakad ku jira Goobaha Ganacsiga ee Kismaayo walina waxaa ka socda wada tashiyo uu la sameynaayo Wafdiga uu hogaaminaayo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Qeebaha kala duwan ee Bulshada iyo wax garadka.

Dhanka kale waxaa la filayaa wafdiga marka uu soo idleysto Safarka kismaayo in uu u anba baxa dhankaa iyo Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland halkaasi uu kula sidoo kale kula qaadan doono maamulka iyo qeebaha kale ee Bulshada Deegaamadaasi.

Sagal Radio

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Kismaayo

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS