187 entries
Articles Published in April, 2014
Wada hadalada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaaliland oo ku saabsan maareynta hawada Dalka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, ayadoo ay wada hadaladani daba socdaan qodobo hore la isugu af gartay oo quseeyay sidii loo gaari lahaa heshiis laba geesood ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta la shiray xubnaha kooxda G7+ oo ah deeq bixiyeyaasha ugu muhiimsan ee bixiya dhaqaalaha ku baxa barnaamijka New Deal (Hiigsiga cusub), waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu warbixin dheer ka siiyay horumarada howlgalada ka soconaya gobolada dalka oo ee looga xoreynayo kooxaha nabadiidka ee Shabaab goobaha ay weli ku harsan yihiin.