6 entries

Articles Published on March 30, 2014

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo galay Buuraha Gal-gala iyo Puntland oo heegan gelisay ciidankeeda

Maamulka Puntland ayaa heegan geliyay ciidamada daraawiishta, kadib markii laga war helay warar sheegaya in dagaalyahano fara badan ka tirsan Shabaab, kana soo firxaday dagaalada ka socda Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay galeen Buuraha Gal-gala, halkaasoo saldhig u ah Shabaabka ka dagaalamaya Puntland.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka hadlay Howlgalka Ciidamada AMISOM

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa shaki geliyay in heshiisyo la ogyahay ay ciidamada AMISOM kaga howlgalaan Soomaaliya, isagoo sidoo kale ka hadlay ka mid noqoshada ciidamada dalalka safka hore ay ka mid noqdeen howl-galka AMISOM.

Madaafiic lagu duqeeyay Buurdhuubo iyo Iska-horimaad ka dhacay Gendershe

Madaafiic culus ayaa xalay lagu garaacay Buur-dhuubo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo, halkaasoo todobaadyo ka hor ay kala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM xoogagga Al-shabaab oo muddu sannado ah ka talinayay.

Tirada Dadka ku Barakacay Colaadaha Gobollada Soomaaliya oo la Shaaciyay

Hay’adda UNCHR ayaa shaacisay tirade dadkii ku bara-kacay dagaallada ka socda gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

JAWAARI: “Lacag aanu Baarlamaanku ogeyn lagama bixin karo Bankiga dhexe”

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta sheegay in wixii ka dambeeya bisha Abriil ee soo socota aan laga bixin doonin bankiga dhexe ee Soomaaliya wax lacag ah oo uusan idmin guddiga maaliyadda baarlamaanka, iyadoo la hubin doono sida lacagtaas loo isticmaalayo.

WARKA AXADNIMO EE WARBAAHINTA SAGAL

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho..
HALKAAN KA DHAGEYSO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS