7 entries

Articles Published on March 25, 2014

Al-Shabaab oo sheegay inay gooyeen jidadkii sahayda u marayay Qoryooley

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay jartay jidadkii soo galayay degmada Qoryooley oo maalmo ka hor laga qabsaday, iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan degmadaas ay wali wajahayaan weeraro.

Xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Baydhabo oo xoogeystay, Goobaha ganacsiga iyo iskuulada oo saakay xiran

Iyadoo xiisado siyaasadeed ka jiraan magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalintii 3aad xiran goobihii ganacsiga iyo waxbarashada, gaar ahaan iskuulada oo aanay ardayda u kalihin, waxaana jirta cabsi laga qabo isku dhacyo ka dhaca magaalada.

Ra’izul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay Xiisada Baydhabo amarna Siiyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee Baydhabo jooga

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’izul Wasaaraha oo Warbaahinta qaarkood si hoose u heleen ayuu kaga hadlay Xiisada Siyaasadeed ee xiligan ka taagan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Hoobiyaal Qasaare geestay oo xalay kusoo dhacay Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho

Waxaa Xalay Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho kusoo dhacay tiro hoobiyaal ah kuwaa oon wali si rasmi ah loo ogeyn halka laga soo tuuray iyo bartilmaameedkooda rasmiga ah.

Nicholas Kay oo cambaareeyay rabshadaha Baydhabo

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay rabshadaha ka jira magaalada Baydhabo ee la xiriira maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed iyo dil habeenkii Axadda gobolka Bakool loogu gaystay siddeed odayaal dhaqameed.

Beledweyne: Is-rasaaseyn dhex martay ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab

Is-rasaaseyn u dhaxeysay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa habeenkii Isniinta ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab oo lumisay magaaladii sagaalaad, Maxaas ayaa laga qabsaday

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ayaa Isniintii shalay ka qabsaday kooxda Al-Shabaab gacan ku haynta magaalada Maxaas oo 105 km dhinaca bari kaga beegan degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS