Raiisul wasaraha soomaliya oo sheegay in safarkii Shaqo ee swezar uu ku soo dhamaaday guul

Raiisul wasaaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu guul ku soo dhamaaday Safarkii shaqo ee ay ku joogeen Dalka Switzerland isaga iyo wafdi uu hogaaminaayay.

Raiisul wasaraha soomaliya oo sheegay in safarkii Shaqo ee swezar uu ku soo dhamaaday guul

Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay in ay ujeedka safarkaasi uu aha aka qeeb galka sharer muhiim ah oo ay hishiisya caalami kula galeen madaxdii ay isku arkeen sida uu hadalka u dhigay

Guul ayay noogu dhamaatay socdaalka shaqo ee aan ku joogno dalka Switzerland oo aan uga qayb-galnay shirweynaha ururka caalamiga ah ee Shaqada (ILO) iyo kulamo aan la yeelanay guddiga sare ee maamulka, waxaan kala hadalnay sidii Somalia loogala shaqayn lahaa barnaamijka hab-wanaaga shaqada. Waxaa kaloo aan kulamo la qaadanay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Switzerland oo waxyaabaha aan kala hadalnay ay kamid tahay sidii qurba-joogta dalkan looga taageeri lahaa in ay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Dhanka kala Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlayhowl-galada shabaab looga saaray meela ka mid ah gobalada Dhaxe ee Dalka Soomaaliya waxa uuna sheegay in ay arintaasi tahay mid dhabaha u xaareyso in dalka nabad galyadiisa ay mar kale bid u soo laabato.

Magaalooyin badan ayaan ka saarnay Nabad-diidka Al-shabaab, waxaa naga go’an in aan soo afjarno dhibaatada ay ku hayaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan idiin xaqiijinayaa in dalku uu ku socdo dariiqii saxda ahaa, lagana gudbi doono dhamaan caqabadaha yar yare e na haysta. Xukuumaddu waxaa ay aad ugu howlan tahay in hayádaha dawladda la dhamaystiro si ay u sahlanaato in adeegyada bulshadu ay gaaraan shacabka.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ku soo cilin laheed xiriirkii wanagsanaa ee ay la laheed wadama caalamka kuwaasi oo hada u muuqda in ay soo hagaagayaan.

Sagal radio

Section  Somali
Category   Local News
Tags  raiisul wasaaraha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS