Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay si qab qabsi iyo khilaaf curyaamiya howlaha dalka ka socda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadlayay kalfadhigii afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay is qab qabsi soo kala dhex gala dowladda, xilli ay soo baxayaan guux iyo hadal heyno la xiriira mooshin ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay si qab qabsi iyo khilaaf curyaamiya howlaha dalka ka socda

Khudbada Madaxweynaha ayaa waxaa uu diirada ku saaray xaaladaha dalka ka socda gaar ahaan howl galada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu ka digay Madaxweynuhu in aan la niyad jebin howl galka socda.

"Hadii howlaha dowladda gaabis ku yimaada ama khilaafaad soo baxo waxay gaabis ku noqoneysa howlaha socda, gaar ahaan wiilka Soomaaliyeed ee dabeysha u taagan difaaca dalkiisa niyad jab ayay ku noqonee"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri "Is qab qabsi iyo far isku taag taag, hadii xageena ku yimaado waxay niyad jab ku noqonee howl galada socda"

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay ajaaniibta ka bar bar dagaalanta Al-Shabaab inay dalka isaga baxaan, isagoo saraakiisha Soomaalida u sheegay inay fursad heystaan oo ay dowladdu soo dhoweyneyso hadii fikirkooda ka soo laabtaan, albaabka dowladdana u furan yahay.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, xilli gobolada dalka ay ka socdaan howl galo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka qeyb qaadanaya Ciidamada AMISOM oo ka socda ilaa lix dowladood oo u badan kuwa dalalka deriska ah.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  madaxweynaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS