Howl gallo Ciidamada dowladda iyo AMISOM saaka ka wadaan jidka Warshadaha

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howl gallo ballaaran ka wada qeybo ka mid jidka Warshadaha, iyadoo howl galkan uu saameeyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka.

Howl gallo Ciidamada dowladda iyo AMISOM saaka ka wadaan jidka Warshadaha

Sida ay sheegayaan wararka howl galkan ayaa ka socda inta u dhaxeysa ex koontarool afgooye, agagaarka kulyadii Jaalle Siyaad ilaa xaafadaha Zone K iyo sey biyaano ee degmada Hodan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada wadajirka u fulinaya howl galka ay xireen wadooyinka, isla markaana dadka iyo gaadiidka loo diidayo inay wadada maraan.

"Wadooyinka oo dhan saakay waa la xiray ilaa ex koontarool ayay ciidamada joogaan, dhalinyarada la qabanayo waxaa lagu guray gaari shabaqle ah"ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Howl galkan ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka yahay howl galada ammaanka lagu xaqiijinayo, kaasoo horay laamaha ammaanka ugu baaqeen.

Ma jirto ilaa iyo hada cid ka hadashay howl galada, waxaana uu ku soo beegmayaa, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay qaraxyo ka dhacayeen Muqdisho.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  wadada warshadaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS