6 entries

Articles Published on March 18, 2014

Al-shabaab oo sheegatay Ismiidaamin lagu Weeraray Gaadiidka AMISOM

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerar ismiidaamin ah oo kolonyo gaadiidka AMISOM ka tirsan lagula beegsaday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye gellinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd.

Shirka maal gashiga oo si rasmi ah kaga furmay Magaalada Dubai

Waxaa maalintii labaad galay shirka bandhigga wax-soo-saarka iyo maal-gashiga Soomaaliya oo ka furmay xarunta ganacsiga adduunka ee Dubai (Dubai World Trade Center).

Madaxweynaha Ruushka oo saxiixay wareegtada uu ku aqoonsanayo madax banaanida Crimea

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saxiixay wareegtada uu ku aqoonsanayo madax banaanida Gobolka Crimea. kadib aftidii maalin ka hor dhacday ay dadweynaha gobolkaas ku ogolaadeen inay u go'aan Ruushka.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo beesha caalamka ugu baaqay in la gar gaaro dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeer howleed ku tegay garoonka diyuuradaha  Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaasi oo ugu kuurgalayey olollaha dib u dhiska garoonka iyo carsiyeen lagu sameyn doono dhawaan garoonka Aadan Cadde

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay Dilkii loo geestay Col. Jaamac Siciid Warsame

Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay Weerar Qorsheesan oo maalintii shalay Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ku dileen Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Aaga Galgala ee Maamulka Puntiland Col. Jaamac Siciid Warsame (Afguduud).

Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Jeneva Uga Qeybgalaya Shirka Midowga Baarlamaannada Caalamka

Magaalada Jeneva ee dalka Switzerland waxaa si rasmi ah uga furmay shalay oo Isniin aheyd 17ka bisha March shirka Midowga Baarlamaannada Caalamka ee Inter Parliament Union (IPU) ayadoo shirkaasina uu Soomaaliya uga qeybgalayo Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen (Coonka) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS