Al shabaab oo Manata laga saaray Tuulooyin Hoostaga buulo burte iyo isgaarsiinta Beledweyne oo Maqan.

Wararka ka imaanaya Magaalada beledweyne Ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saaka Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM Ee iska kaashanaya la dagaalanka al shabaab ay Gacanta al shabaab ka saareen Deegaano Hoos Taga Degmada Buulo Burte Ee Gobolka Hiiraan oo al shabaab Horay u maamulayeen Waxaana ay  Ciidanku ku sii Siqayaan Goobo Hor leh .

Al shabaab oo Manata laga saaray Tuulooyin Hoostaga buulo burte iyo isgaarsiinta Beledweyne oo Maqan.

Ciidanka Huwanta ah ee is kaashanaya ayaa waxaa ay magaalada beledweyne ee Xarunta Gobolka uga baxeen ilaa Sadax jaho oo kala ah Wadada isku Xirta Beledweyne iyo Buulo Burte Wado aada Dhanka Maxaas Ee bariga iyo Mida ku Baxda Dhanka galbeedka iyadoo U jeedku Yahay in Dhinacyo kala duwan ay ka soo galaan Buulo burte oo ah Xarunta ugu weyn Ee al shabaab ku leeyihiin Gobolka Hiiraan .

Deegaanada ay Ciidanku kala wareegeen al shabaab ayaa waxaa ka mid ah Ceel cali Baardheere Beera yabaal iyo Nuur Fanax oo dhamaantood ah Tuulooyin hoos taga Buulo Burte Waxaana Wararkii ugu Dambeeyay ay shegayaan in Ciidamadu ay Magaalada ka soo fariisteen Dhainacyada Bari iyo Galbeed oo ay kaabiga ku hayaan Barakac Xoogan ayaana ka soconaya Buulo Burte Ciidankii Ururuka al shabaab ayaa iyana Waxaa ay wadaan dhaq dhaqaaq ay isku Dayayaan in ay uga Hortagaan Ciidanka Huwanta ah

Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo isagu Jira Ethiopian iyo Djabuti ayaa waxaa ay sheegeen in Ujeedku Yahay in Al shabaab laga saaro Gobolka Hiiraan Guud ahaan Talaabada ugu Horeysana looga Fara Maroojinayo Xarunta labaad ee Gobolka oo ah Buulo Burte Iyadoo dhawaanahaanba ay Ciidanku wadeen ka saarista al shabaab Ee Goobaha ay haystaan .

Dhanka kale waxaa Maamulka Gobolka Hiiraan Ee Dowladda Somalia uu Manata Hawada ka Saaray Mudo saacado ah Is gaarsiinta Magaalada beledweyne inkastoo ay Markii Dambe soo laabatay  Waxaana Guud ahaan Degmooyinka Gobolka Hiiraan ka Jira XiisadoDagaal iyo Cabsi soo Food saartay dadka ku dhaqan  Goobaha al shabaab ka arimiyaan .

Xigasho:Knn

Section  Somali
Category   Local News
Tags  barte buula

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS