Raiisul wasaaraha oo xalay ka qeeb galay xuska 8 marso oo dhacday muqdisho ka

Xuska maalinta Haweenka Aduunka ee loo Asteeyey 8da Maarso ayaa munaasabaddo lagu xusayo waxa ay ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka ayadoo Munaasabaddaha mida ugu ballaaran caawa ay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Raiisul wasaaraha  oo xalay ka qeeb galay xuska 8 marso oo dhacday muqdisho ka

Munaasabaddan oo heerka qabanqaabadeeda uu aad u sareeyey ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Haweenka iyo hormarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ,waxaana kasoo qeybgalay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda,Marwada Madaxweynaha Dalka,Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka, xubno kale oo Golaha Wasiirrada ka tirsan,Xildhibaanno,taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida qaarkood iyo marti sharaf kale.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar Cali Cumar oo ugu horeyn munaasabadda khudbad ka jeedisay ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Haweenka caalamka ee 8da Maarso waxa ay u dirtay Haweenka Soomaaliyeed,sidoo kalena Marwada Madaxweynaha Dalka waxa ay uga mahad celisay Wasaaradda Haweenka sida quruxda badan ee ay u muujiyeen kaalinta ay Haweenka Soomaaliyeed kaga jiraan Haweenka Caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaduna Munaasabadda ka jeedisay khudbad dheer ayaa ka hadashay ugu horeyn sida ay xiligan Haweenka Soomaaliyeed ayaga oo isku duuban ugu taaganyihiin ka qeybqaadashada hormarka iyo dowladnimada Dalkooda waxaana ay Wasiiraddu hambalyo ku aadan munaasabadda 8da Maarso u dirtay Haweenka Caalamka,Haweenka Islaamka,kuwa Afrika iyo Haweenka dalalka urur goboleedka IGAD.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa aad u ammaanay doorka ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin xiligan dowladnimada Soomaaliya iyo kaalintii Haweenku ay ku lahaayeen xoriyadda Dalkeenna waxaana uu ku dhiirageliyey Ra’isulwasaaraha Haweenka Soomaaliyeed iney dowladooda ku garab siiyaan dagaalka lagusoo afjarayo argigixisada ee hada bilowday.

Munaasabadda oo intii ay socotay si Toos ah looga daawanayey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan wadani ah iyo boorar ay ku qornaayeen halkudhigga sanadkan ee Haweenka Soomaaliyeed oo ah:- Hirgelinta Sharuucda lagu hormarinayo Haweenka, Carruurta iyo Xuquuqda Aadanaha.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  8 marso

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS