Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay rag Shabaab ah ka dib Dagaal ka dhacay Gado.

Wararka laga helaayo Gado ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal u dhaxeyay Ciidanka Dowlada iyo Al-shabaab ay u suura gashay in ay Ciidanjka Dowlada gacanta ku dhigaan Dagaal yahano ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo xiliga la qabanaayay qeeb ka ahaa Dagaalka

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay rag Shabaab ah ka dib Dagaal ka dhacay Gado.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Dagmada Buur-dhuubo ee Gobalka Gado halkaasi oo markii hore Fariisama u aheed Shabaab waxaana wararka sheegayaan in ay hada Halkaasi gacanta ku hayaa ciidanka Dowlada.

Cabdi Buule Cabdi oo kamid ah saraakiisha ciidmada dowlada ee gobolka gedo waxa uu shegay in dagaal dagmada buur dhuube ee gobalka gedo ay kula galeen Al shabab ay uga dileen in kabadan 6 askari oo al shabab ka tirsanana halka uu xusay in ay nolasha ku qabten ilaa 3 maxabiis ah oo ahaa ragii a la dagalamayeen.

Dhanka Shabaab ayaan wali ka hadlin Dagaalka iyo sheegashada Ciidanka Dowlada ee ah qasaaraha ay gaarsiiyeen Shabaab dhanka kalena waxaa wali halkaasi ka socda dhaq dhaqaayo ciidan oo ay wadaan Ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM oo ka dhan ah shabaabta wali halkaasi ku sugan

Sagal Radio

Section  Somali
Category   Local News
Tag  gado

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS