5 entries

Articles Published on March 5, 2014

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Soomaaliya oo sheegay in ay Muqdisho wajaheyso Dagaal ka dhan ah Shabaab

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Muqdisho uu kusoo wajahan yahay dagaal, loogana baahan yahay shacabka Soomaaliyeed gacan ku siiyaan dowladda sidii dagaalkaas looga hor-tegi lahaa.

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya oo siyaabo kala duwan ula kulmay Dominik Langenbacher (Daawo Sawirada)

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi uu hogaaminayo Danjiraha Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Dominik Langenbacher oo ay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal , taageerida hey’adda dowladda Federaalka iyo caawinta maamulada gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya. 

IGAD oo soo Dhaweysay Mowqifkii Dowladda ee Shirarka Baydhabo ka socda

Urur goboleedka IGAD ee dalalka Bariga Afrika ayaa soo dhaweeyay mowqifkii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay shirarka iska soo horjeeda ee ka socda magaalada Baydhabo.

Hogaanka cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir oo sheegay in ay Kalsooni dhax dhigayaan Shacabka iyo Ciidanka.

Guddoomiyha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo shalay si rasmi ula waregay xilka mamulkaasi ayaa sheegay inay u qorsheysan tahay sidii uu kalsooni uga dhex-abuuri lahaa ciidamada iyo shacabka Muqdisho.

Magaalada Juba ee Dalka Koofurta Sudan oo mar kale Dagaal ka qarxay

Iska hor imaad ayaa dib ugu bilowday caasimada Juba ee Koofurta Sudan, halkaasoo dhamaadkii sanadkii hore uu ka dhacay isku daygii la doonayay in lagu afgambiyo Madaxweynaha Sudan Salva Kiir, kaasoo horseeday dagaalo ku baaha gobolada.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS