Doowo sawiradda:Raiisul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tagay isutaga Imaaraadka Carabta,

Ra'iisul Wasaaraha Sooaamliya C/wali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee isutaga Imaaraadka Carabta, kadib markii uu ka helay martiqaad rasmi ah.

Doowo sawiradda:Raiisul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tagay  isutaga Imaaraadka Carabta,

Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Ra'iisul Wasaaraha. 

Madax sare sare oo ka tirsan boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi Amb. C/qaadir Sheekhey ayaa ku soo dhoweeyay madaarka magaaalada Abu Dhabi.

Booqashada Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa Imaaraadka Carabta, wuxuuna kala hadli doonaa iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinacyada siyaasada, Dib u dhiska Garsoorka, Amniga iyo xasilinta iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa aqoon u leh qaar ka mid ah dalalka Carabta oo uu horay uga soo shaqeeyay, isagoo aad uga hadla luqada Carabiga, dadka falan-qeeya siyaasada ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaruhu xiriir dhow la leeyahay qaar ka mid ah dalalka carbeed.

Waa safarkii labaad oo dalka dibadiisa uu ugu ambabaxo Ra'iisul Wasaare C/wali Sheekh, tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra'iisul Wasaaraha bishii December ee sanadkii hore.





Section  Somali
Category   Local News
Tags  abu dubia

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS